Madaxweyne Deni oo magacaabay Lataliyeyaashiisa arrimaha difaaca iyo dhismaha ciidanka

14 Sept  2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 51 ee 14-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan magacaabid La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ciidanaimo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Saraakiisha hoos ku xusan loo magacaabay La-taliyayaasha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka Puntland ee Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland.

1. S/gaas. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan)

2. S/gaas. Yasiin Cumar Dheere

3. S/gaas. Cabdishugri Cabdulaahi Xuseen

4. S/guuto.Siciid Cabdi Faarax (Tuutawayne)

5. S/guuto. Dayr Xaaji Cabdi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

About The Author