Daawo Video-sawiro: Madaxweynaha Puntland oo booqanaya magaalada Qardho kuna sii jeeda Bosaso

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta safar ku tagay Degmada Qardho ee xarunta Gobolka KarKaar.

Madaxweynaha iyo wefdiga ayaa lagu wadaa in ay uga sii gudbaan Qardho magaalada Bosaso oo safarkoodu ku wajahan yahay.

Madaxweyne GAAS ayaa waxaa caado u noqotay tan iyo markuu xilka la wareegay in uusan ka bixin safaro isdabajoog ah oo uu ku aado dibada iyo Gudaha Puntland oo uusan wax aqoona u lahayn markuu madaxtinimad Puntland ku guulaystay.

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay hore u baahisay in uu madaxweynuhu Puntland ka maqnaa 25% intii uu xilka hayey oo ah 4 bilood in ka badan halkan ka akhri.

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ay horay akhristayaasheeda ugu soo bandhigtay in uu madaxweynuhu u safridoono Bosaso si uu uga cararo culayska siyaasadeed oo aad u xoog badan oo ka soo fuulay Xildhibaano, Siyaasiyiin, Isimo iyo waxgarad kala duwan oo ku cadaadinaya in uu wax ka bedalo Xukuumadiisa si Puntland ay horay ugu socoto, halkan ka akhriso qoraalkii ay Puntlandes ka qortay safarka madaxweynaha.

 Daawo madaxweyne oo booqanaya Qardho

80

80a

80b

80c
Puntlandes.com

About The Author