Dhageyso: Guddiga qaabilsan shirka wadatashiga beelaha Putland oo shaaciyay Xiliga uu shirka qabsoomayo

Garowe (Pes) Guddiga qaban shirka wadatashiga beelaha Puntland ayaa galabta ku dhawaaqay xiliga la qabanayo shirka iyo meesha uu shirku ka dhacayo.

Guddoomiyaha guddiga Eng, Maxamuud Xaaji Saalax oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay in shirku furmidoono 1 da jun 2015 laguna qabandoono Shirka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

79b

Guddoomiyaha ayaa sheegay ujeedada shirka laga leeyahay inay tahay saddex arrimood waaweyn oo kala ah:

In dib la isugu xiro bulshadii reer Puntland islamarkaana dib loo eego himilooyinkii laga lahaa inay Puntland dhisanto.

Inay tahay dhamaynta xalinta qilaafaadka beelaha ee soo noq noqda islamarkaana ku saleysan kheyraadka dalka,

Dib u bilaabada barnaamijkii xisbiyada ee nidaamka dimuqradiyaada iyo diyaarinta arrimaha muhiimka u ah,  sida wacyi galinta bulshada, xeerarka,  sharuucda iyo isku dubaridka ku salaysan rabitaanka shacabka.

Ku dhawaad 250 ergo oo ka kala imaanaysa guud gobolada Puntland ayaa shirkaan lagu casuumay inay kasoo qeyb galaan shirkaan

Dhageyso codka gudoomiyaha


Puntlandes.com

 

About The Author