Dhageyso: Wasiirka A Gudaha Puntland oo ka hadlay Bur-burinta ay DFS ku hayso Puntland

Garowe (Pes) Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Puntland Axmed Karaash ayaa eedeeyay DFS isagoo ku eedeeyey inay wado hagar daamooyinka lagu Xagal daacinayo Midnimada iyo jiritaanka Dawladda Puntland.

Wasiirka oo saakay shir jiraa’id ku qabtay Garowe ayaa sheegay DFS inay ka kala qeybinayso dhulka Puntland kadib markii dowladdu sheegtay inay shacabka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn leeyihiin maamul madax banaan oo la yiraahdo Khaatumo, islamarkaana uu madaxweyne u yahay Cali Khaliif Galaydh.

Wasiir Karaasha ayaa ku dooday in uu isagu sameeyey Khaatumo soona celiyey wuxuuna yiri ” Khaatuma anagaa sameynay anagaana soo celinay, Waxaana sabab u ahaa markaan aragnay inaysan kaligeed wax qabansan karin, ayaanu kusoo celinay kuwii dad noogu xigay ee aanu maamulka la sameysanay,”

Wasiirka ayaa wuxuu kaloo ka hadlay Shirka Cadaado ee ay wado DFS isagoo  sheegay DFS inay weli ku hawlan tahay jabint heshiisyada la galay, kuwaas ay kamid yihiin maamul u samaynta Koonfur Mudug iyo Gobolka Galguduud iyo guddiyada xaduudaha, Federaalka iyo Dastuurka.

Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdiraxmaan Odowaa ayaa sheegay in ay maamul u samaynayaan Mudug oo buuxda iyo Galgaduud khilaafka yar ee jirana ay u taalo Gudiga Xuduudaha Federaalka oo ay dhawaan DFS ka soo qabqabay CEELGAAB. Wuxuu kaloo Wasiirka DFS sheegay in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay leeyihiin maamul madax uu maxadweyne u yahay Cali Khaliif.

Waxaa iswaydiin leh madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ma la ogyahay hadalkan ka soo yeeray Wasiirka mise waa ku keligii?

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay wax ka waydiisay Khuburo ku xeeldheer Siyaasada Soomaaliya si dhowna ula socda habdhaqanka madaxweyne GAAS waxayna u sheegeen Pes in uusan habayaaraatee uusan Wasiirku haysan taageerada madaxweynuhiisa uuna yahay shaqsi kaligii iska hadlay,

Dhagayso Wasiirka


Puntlandes.com

About The Author