Sawirro: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland dalka dib ugusoo laabtay

27 Sept  2022 (Puntlandes) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar ugu maqnaa Dalka dibadiisa ayaa maanta dalka dib ugusoo laabtay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada DPL mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

About The Author