Sawirro-Muuqaalo: Wasiirka cusub ee wasaaradda Arimaha Guduha oo xilka la wareegay

28 Sept  2022 (Puntlandes) Xafladda xilwareejinta Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Labada Wasiir ayaa xilkii wasaaradda kula kala wareegay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, waxaana goob joog ka ahaa madasha xilwareejinta xubno ka mid ah Golaha xukuumada iyo Golaha Baarlamaanka, Hantidhawraha Guud ee Dawladda Puntland, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Puntland, wasiiru Dawlaha wasaaradda, wasiir ku xigeenka, Agaasimaha guud ee wasaaradda, Odayaasha dhaqanka, culumada, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dhammaan Shaqalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ahna Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda DPL ayaa uga mahadceliyey dhammaan madaxda iyo Shaqalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha sidii wanaagsanayd ee ay u soo wada shaqeeyeen. Sidoo kale, wasiir Maxamed Cabdiraxmaan ayaa kula dardarmaay madaxda iyo Shaqalaha Wasaaradda in habeen iyo maalinba loo soo jeedo sidii dalka iyo dadka loogu adeegi lahaa.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa u mahadceliyey dhammaan madaxda iyo Shaqalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa uuna balanqaaday in uu shaqada meesheedi ka sii wadidoono, Wasiirka ayaa sidoo kale, dadka Reer Puntland ka codsaday in lala shaqeeyo si loo dardargeliyo barnaamijka Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland si loo gaaro yoolalka ay higsanayso Dawladda Puntland.

Daawo Wasiirkii hore ee Arimaha Guduha oo kahadlay waxqabadiisa lana dardaarmay wasiirka cusub Juxaa

Daawo Hadaljeedintii Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha,

About The Author