Golaha Guurtida Somaliland oo muddo 2 Sanno ah u kordhiyey madaxweyne Muuse Biixi

1 Okt  2022 (Puntlandes) Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta fadhi ay yeesheen waxay muddo laba sano ah u kordhiyay muddo xileedka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Muddo xileedka madaxweynaha oo ahayd 5 sano ayaa ku ekayd 13 december 2022, iyadoo ay dastuuriyan ahayd in doorashada madaxweynuhu dhacdo bil ka hor 13ka november 2022.

Ma ahan markii koowaad ee madaxweyne Somaliland xilka loo kordhiyo, waxaana horay loogu kordhiyey Riyaale iyo Siilaanyo.

Dhowaan ayey ahayd markii Guddiga Doorashooyinka Somaliland sheegeen inay 9 bilood ku qaban karaan Doorashada Madaxweynaha, lamana garan karo waxay ku saleeyeen Golaha Guurtidu mudada 2 sano ah.

Puntlandes.com

About The Author