Golaha Guurtida Somaliland oo xil-haynteeda 5 Sanno ku kororsatay…21 sano muddo kordhin ah

1 Okt  2022 (Puntlandes) Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta  sameystay muddo kordhin 5 Sanno ah, taas oo caado u ahayd inay samaystaan.

Golaha Guurtida ayaa kororsanayeen xil-hayntooda markii ay ka dhamaataba tan iyo markii la aasaasay, waxayna muddo xileedkoodii koowaad dhamaatay 2006dii, iyagoo 16 sano soo kororsaday maantana 5 kale ku daray taasoo isku noqonaysa 21 sano oo muddo kororsi ah.

Xil-haynta Golaha ayaa Doorashada Golaha wakiilada ee soo socota muddo hal sanno ah ka danbeyn doona sida ay sheegeen, taas oo noqonaysa 2027ka.

Isla maanta waxay Golaha Guurtidu muddo 2 sano ah u kordhiyeem madaxweyne Muuse Biixi.

About The Author