DAAWO C/raxmaan Cirro ” Xisbiga WADDANI muddo xileedka Sharciga ah ee Madaxweynaha Somaliland waxa uu u aqoonsan yahay in ay ku egtahay 13ka November 2022”

02 Okt  2022 (Puntlandes) Musharax Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro) ayaa qabtay shir jaraaid uu ku caddeeyey inuu ka horjeedo muddo kordhintii ay Galaha Guurtidu shalay u sameeyeen madaxweyne Muuse Biixi.

Murashax Cirro ayaa yiri ” Shalay Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ka dhacay Fool-xumadii ugu weyned ee ina soo martay intii aynu qaadannay nidaamkan Axsaabta badan,

Shalay waxaa god madow lagu hubsaday oo gabal baas u dumay nidaamkii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ku dhisnaa, waxaa la xabaalay kalsoonidii Shacabka iyo doonistii dadweynaha,

Waxa cirka lagu laalay rejadii ictiraafka Somaliland, waxaa jar iyo meel daran laga tuuray nidaamkii wada-tashiga iyo isla oggol-ka ku dhisnaa, waxaa Madaxweynuhu u badheedhay sharci darro, Dastuur jabin iyo jar-iska xoornimo.

Go’aanka Golaha Guurtidu halkii uu xaaladda dalka ka dejin lahaa waxa uu noqday mid uga daray oo batrool ku shubay kabriidna ku qabtay xaaladdii cakirneyd ee JSL ku jirtay.”

Xisbiga WADDANI muddo xileedka Sharciga ah ee Madaxweynaha Somaliland waxa uu u aqoonsan yahay in ay ku egtahay 13ka November 2022, wixii mudaddaas ka dambeeya Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa uma aqoonsan doono kuwa sharciyad ku fadhiya.”

About The Author