Sawirro: Madaxweyne Deni oo kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Cadaaladda

02 Okt  2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaarada Kulankaasi oo ku saabsana dardargelinta Shaqada oo ay ugu weyntahay Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka Puntland .

Sidoo kale wuxu Madaxweynuhu kulan ku saabsan is xogwareysi iyo dardargelin shaqo la qaatay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Diinta Mudane Maxamed Cabdiwahaab iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaraddaas.

About The Author