Xildhibaan Yuusuf Dirir oo u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray weerarkii maanta

May 23 (Puntlandes)- Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar ay Koox hubeysan ku qaadeen gaari uu saarnaa oo marayay Wadada Maka Al-Mukarama. Weerarkaas ayaa waaa ku dhaawacmay Xildhibaan  Cabdalla Boos.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaanka.

AUN wuxuu noqonayaa Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir Xildhibaankii u dambeeyey ee lagu dilo magaalada Muqdisho oo noqotay meel dadka lagu Ugaarsado.

 

Puntlandes.com

About The Author