Labo Xildhibaan oo ka tirsan DFS oo lagu dhaawacay Wadada Maka Al-Mukarama

82b

May 23 (Puntlandes)- Koox hubeysan ayaa goor dhow labo xildhibaan ku dhaawacay magaalada Muqdisho, kadib markii ay Rasaas ku fureen gaari ay la socdeen. Xildhibaanadan oo ah Yuusuf Maxamed Dirir iyo Cabdalla Boos Axmed.

Xildhibaanada ayaa marayey wadada Maka Al-Mukarama markii la weeraray, gaar ahaan meel Guriga Shaqaalaha ku dhow ayaa waxaa lagu dhaawacay

Warar ay helayso Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in Xildhibaan Yuusuf Dirir uu dhaawiciisa culus yahay, halka Cabdalla Boos.

Waxaa kale oo weerarkaas ku dhaawacmay darawalka u waday gaariga labada Xildhibaan, waana weerarkii u horeysay noociisa oo wadadaas ka dhaca.

Magaalada Muqdisho ayaa noqotay hoyga dilka Xildhibaanad.

Puntlandes.com

About The Author