Sawirro: Xamse oo kulan la qaatay xubno ka socday Ganacsatada

01 Nov 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo looga hadlay kaallinta Ganacsatada kaga aadan Gurmadka iyo taakuleynta dadkii ku wax yeeloobay qaraxii bahalnimo ee khawarijtu ku gumaadeen shacabka aan waxba galabsan 29kii bishii dhammaatay.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen guddiga heerka wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee gurmadka ayaa diiradda lagu saaray doorka ganacsatadu ay ku leeyihiin samatabixinta iyo midaynta kaalmaha dhaqaale ee lagu taakuleynayo dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxii arxan darrada ahaa ee Khawaarijtu ka fuliyeen Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ganacsatada ugu mahad celiyey doorkooda muuqda, ayaa xusay in wadajir xoogga loo saaro sidii shacabka loogu gurman lahaa, dowladduna ay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah, lana sii wadi doono howlaha gurmadka, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay sii kordhiyaan gurmadka iyo dadaalka ay wadaan.

About The Author