Sawirro-Muuqaal: Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska dowladda Puntland oo la wareegay xilka

01 Nov 2022 (Puntlandes) Taliyaha ciidanka Booliska Dawladda Puntland S/guuto Muumin Cabdi Shire ayaa xilka Taliyaha booliska kala wareegay Taliyihii hore ee ciidanka booliska S/guuto Maxamed Cali Xaashi.

Taliyaha Ciidanka booliska Puntland ayaa umahadceliayay Taliyihii hore booliska shaqada baaxada leh ee uu ka qabtay booliska iyo dadaalkii uu galiyay.

Talyihii hore ee ciidanka booliska S/guuto Maxamed Cali xaashi ayaa u hambalyeeyay Taliyaha cusub ee booliska S/guuto Muumin Cabdi Shire masuuliyadda culus ee loo igamaday waxa uuna booliska iyo bulshada ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

Munaasabadda Xilwareejin Taliyaha booliska waxaa ka qayb galay Qaar kamida labada gole Taliyaasha ciidamada qalabka sida masuuliyiin ka kala socday xarumada xiriirka wada shaqayneed booliska la leh iyo marti sharaf kala duwan.

About The Author