Sawirro: Haamaha Shidaalka oo laga dhisayo deegaanka Garacad ee gobalka Mudug

05 Nov 2022 (Puntlandes) Haamaha Shidaalka ayaa laga hirgelinayaa deegaanka Garacad ee gobalka Mudug, iyadoo dhismihoodu uu si rasmi ah u bilaabanayo dhawaan, sida maanta oo Sabti ah ay xaqiijiyeen ganacsatada maaligalinaysa.

Waa mashruuc kale oo muhiim ah oo ganacsato Soomaaliyeed ay qorshaynayaan inay ku maalgashadaan malaayiin doollar.

Dhulka loo diyaariyay in laga dhiso Haamaha Shidaalka ayaa ku yaal xeebta, waxaana uu ku dhow yahay goobta laga dhisayo dekad Garacad.

Mashruucan ayaa lagu tilmaamay mid u furan ganacsatada Soomaaliyeed ee daneynaya inay maalgashadaan.

About The Author