Qaraxyo is xig-xigay oo caawa ka dhacay Muqdisho

05 Nov 2022 (Puntlandes) Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyois xigxigay  iyo hoobiyahaal sababay khasaare kala duwan uu ka dhacay degmooyin dhowr ah.

Ex-Control Afgooye, Seydka, Isgoyska Dabka, Xero Nac nac iyo Isbartiibada Warta Nabada ayaa la soo sheegayaa iney qaraxyo ka dhaceen kuwaasoo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ilaa hadda waxaa la ogyahay in qaraxii koowaad oo lagu weeraray, (Xero Nacnac), xerada tababarka ciidamada ee Jeneraal Dhagabadan ee koonfurta magaalada Muqdisho, kaas oo ka dhacay afaafka hore ee Xerada.

Xerada ayaa waxaa ka socday qorista Ciidan cusub, kadibna qof naftiisa haligay ayaa isku qarxiyey dhalinyaro safaf dhaadheer ugu jirtay inay qortaan ciidanka xoogga dalka, waxaana halkaas ka dhashay khasaare culus, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada rasmiga.

Ugu yaraan 13 qof ayaa la soo sheegayaa inay ku geeriyootay qaraxa Xero Nacnac, welina laamaha amniga wax faahfaahin ah kama soo saarin khasaaraha qaraxyada ka dhacay

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jira cabsi aad u xooggan, gaar ahaan dhanka waddada Maka Al-Mukarama, iyadoo ay jirto cabsi ah inay qaraxyo kale dhici karaan.

About The Author