Sawirro: Guddoomiyaha Baarlaanka Puntland oo Garowe ka sagootiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS

06 Nov 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta sagootiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmahan safar shaqo ku joogay Puntland.

Munaasabadda sagootinta oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Puntland & DFS, Xoghayaasha guud ee Baarlamaanada Puntland & Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Saraakiil kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweeyey, loona maamuusay intii joogeen Garowe.

About The Author