Daawo Muuqaal: Booliska Gobolka Nugaal oo ka hadlay iska horimaad ka dhacay Garowe

20 Nov 2022 (Puntlandes) Booliska Gobolka Nugaal ayaa ka hadlay iska hor imaad ka dhacay Garowe, kaas oo ay isku farasaareen rag hubaysan oo Boolisku ku eedeeyeen in ay ka ganacsanayeen maandooriyaha khamriga iyo Booliska.

Taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Nugaal ahna ku-simaha taliyaha Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul ) oo shir jaraaid ku qabtay Garowe ayaa ka warbixiyey xaaladda amniga ee guud ahaan gobolka iyo howl-gallo amni sugid ah oo Boolisku xalay ka sameeyeen Garowe.

Taliye Fardafuul ayaa ragga ay isku dhaceen ku eedeeyey in guri ka mid ah guryaha magaalada lagu uruuriyey rag cabtoos ah oo hubaysan oo ka ganacsada maandooriyaha khamriga.

Fardafuul ayaa sheegay inay raggaani ay Booliska oo amniga magaalada sugaya ay xalay xabad ku bilaabeen ka dibna ay ka dhalatay khasaaro iska hor imaadkaas.

Hawlgalka waxaa lagu qabtay saddex ka tirsan kooxaha uu cabtooyda ku eedeeyey Taliyuhu oo labo ka mid ah dhaaw ahaayeen, dhanka Booliskana waxaa ku dhaawacmay Askari Boolis ah iyo qof rayid ah oo haweenay.

Dhanka kale Taliye Fardafuul ayaa ragga uu cabtooyda ku eedeeyey waxa uu shirkiisii jaeaaid ku sheegay inay in ragaani sheegtaan inay waardiye u yihiin Guri ku yaala magaalada ayna wataan Tuute Ciidan.

About The Author