Daawo Muuqaal: Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo la hor geeyey Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2023

20 Nov 2022 (Puntlandes) Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta la hor geeyey Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2023, waxaana gudoominayey golaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenda Golaha.

Kulanka ay Wasaaraddu ku hor geysay Miisaaniyadda Golaha Wakiillada ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda.

Miisaaniyadda sanadkan ee la horgeeyey Golaha ayaa ah wadarta guud $ 376,699,825 (sadex bogol todobaatan iyo lix Malyan Lix Boqol Sagaashaan iyo Sagaal kun Sideed Boqol Labaatan iyo Shan doolar) taas oo ka badan Miisaaniyaddii sanadka 2022 korar dhan 6%.

Wasiirka ayaa sheegay ku talo-galka dhakhliga gudaha sannadkaan inuu noqonayo $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ku xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Sabtida, November 26, 2022.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa Golaha ka codsaday in la ansixiyo kororka Miisaaniyadda ee dhaqaalaha laga filayo Mashruuca Biyoole kaas oo dhan $1,922,040

Intaa kadib, Fadhiga oo ay goob-joog ahaayeen 42 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 41 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus ma jirin, sidaas ayeyna ansax ku noqotay codsigii Wasaaradda.

About The Author