Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday deegaanka masaajid Cali Guduud

24 Nov 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeraya qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta Alshabaab ayaa gaaray deegaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dardargaliyo howlgalda gobolkan looga sifeynayo Khawaarijta isla markaana uu dhiirrigeliyo ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyay Saraakiisha hoogaamisa ciidamada ee guulaha kasoo hooyay dagaalka Khawaarijta ayaa adkeeyay in loo guntado criribtirka kooxaha argagixisada ah iyada oo laga duulayo qorshaha dalka looga saarayo Al-shabaab.

“Halkaan waxaan idin kugu imid in aan idinkaga mahadceliyo nafhurnimada iyo dhabar adeyga aad muujiseen, si aad dadkiinna uga dulqaaddaan heeryada kooxaha arxanka daran ee Khawaarijta. Dowladdiina iyo dadkiinuba waxa ay ku faraxsanyihiin kuna faanayaan guulaha aad ka gaarteen cadowga kaliya ee maanta dalkeennu leeyahay. Waa in aan waqti kooban ku gaarno deegaanada kale ee ay weli dadkeenna ku dhibaateeyaan.”

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in deegaanka Masaajid Cali Guduud iyo deegaanada kale ee laga xoreeyay Khawaarijta Al-shabaab, si degdeg ah loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah sida Saldhigga Booliska, xarumaha Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Safarkan Madaxweynaha waxaa ku wehliya Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Xildhibaano, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

About The Author