Sawirro-Muuqaal: Gudiga Amniga Gobolka Mudug oo kulan Degdeg ah kayeeshay Shaqaaqo Gaalkacyo kadhacday goaana kasoo saaray

24 Nov 2022 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali oo shirgudoomiyey shir deg deg ah oo Gudiga Amniga Gobolka Mudug ka yeesheen shaqaaqo maanta ka dhacday Gaalkacyo taasoo 4 qof ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen.

Shirkan oo Kulan Deg-deg ahaa ayaa looga hadlay Shaqaaqo Magaalada Gaalkacyo oo ka dhalatay isku qabsasho dhul ayaa ugu horayntii Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal oo ku hadlaya Magaciisa iyo kan shacabka Gobolka Mudug ka tacsiyeeyey dhamaan Marxuumiintii ku dhintay dhibaatadaasi isagoona si gaara ugu tacsiyeeyey qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen, allena uga baryey janatul fardowsa sidoo kalena Caafimaad taama waxa urajeeyey inta ku dhaawacantay.

Dhanka kale shirkan oo mudo saacada ah usocday Gudiga ayaa laga soo saaray Go’aano.

1) Waxay Dowladdu la wareegtay Ciidan Dowladdeedna gaysay dhulkii la isku dagaalay maanta sidoo kalena waxaa lakala qaaday Ciidamadii.

2) Waxaa la magacaabay Gudi baaritaan ku sameeya dhacdadii maanta oo ay macquul tahay in ay door ku yeelan karto Argagixisadu kuwaa soo markasta ka shaqeeya Isku-dirka Beelaha iyo samaynta Falalka guracan oo caqabad ku ah Nabada iyo wadajirka Bulshooyinka.

3) Waxaa sidaasi si lamidana waxay Dowladdu la wareegidoonta dhulkasta oo dhacdo noocaasi ah ay ka dhacdo.

About The Author