Sawirro-Muuqaal: Ciidaanka deegaanka & ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay deegaanka Ceel-dheere Buraale ee….

26 Nov 2022 (Puntlandes) Ciidaanka Dib-u-xoreynta deegaanka ee beesha Xawaadlle oo garabsanaya ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada 5aad qeybteeda 27aad iyo ciidaanka Danab ayaa la wareegay deegaanka Ceel-dheere Buraale oo hoostaga degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe isla markaana dhaca xuduudka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Ka hor inta aaysan ciidanka Huwanta gudaha u galin deegaanka Ceel-dheere diyaarado dagaal ayaa fulinayey duqeyn culus oo lagu bar-tilmaameedsaday gaadiid dagaal iyo xubno Alshabaab ka mid ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay hawlgalkaan, wuxuuna sheegay wasiir kuxigeen Alcadaala inay ku dileen in ka badan 100 ka tirsan Alshabaab oo ka kooban horjoogayaan iyo malayshiyo.

About The Author