Sawirro: Madaxweyne Deni oo daah-furay wejiga 4-aad mashruuca waxbarashadu waa Iftiin

29 Nov 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Mashruuca Horumarinta iyo kor u qaadista tayada Waxbarashada Puntland ee “Waxbarashadu waa Iftiin” oo ah mid kor loogu qaadayo tayada Macalimiinta, Ardeyda iyo heerka Waxbarashada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyay muhiimada uu mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin u leeyahay Bulshada Puntland, wuxuu boggaadiyay shaqada Wasaaradda iyo Midowga Europe iyo Hay’adaha kala shaqeynaya Dowladda Mashruuca fulintiisa.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Safiirka Midowga Europe ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann, Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda Care International ee Soomaaliya Ummykaltun Abdimajid, Saraakiil ka tirsan Hay’adda Save The Children, Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradaha kale ee kala shaqeynaya Mashruuca iyo marti sharaf kala duwan.

Midowga Europe, Hay’adda Care Iyo Hay’adda Save the Children waxaa ay Dowladda Puntland kala shaqeynayaan Mashruucan, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa goobjoog ka noqday saxiixa Wasaaradaha ku shaqo leh iyo Hay’adaha kala shaqeynaya. Mashruuca oo socon doona saddex sano waxaa ku baxaysa Lacag dhan 7.3 Million oo Euro, waxaa qeyb ka ah Dhismaha 12 Iskuul, dayactirka 7 Iskuul , 570 Ardey oo Waxbarasho Lacag la’aan ah , mushaharaadka 203 Macalim, hirgelinta 4 Iskuul oo cusub oo farsamada gacanta ah iyo hannaanka tayeynta Heerka Waxbarashada Puntland.

About The Author