TPEC oo ku wargalisay ururadda Siyaasadda Puntland iney soo gudbiyaan Wakiiladdooda la socoshadda Diwaangalinta

30 Nov 2022 (Puntlandes) Guddiga Doorashoyinka Puntland, TPEC, ayaa waxay soo saareen qoraak ku socda ururadda Siyaasadda Puntland, taas oo ay ku wargalinayeen iney soo gudbiyaan wakiiladdooda la socoshadda diwaangalinta codbixiyaasha.

TPEC ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay diwaangalinta codbixiyaashu socon doonto 45 cisho oo ka bilaabanaysa 13 december, iyagoo ka bilaabaya gobolada Bari, Gardafuu iyo Karkaar.

Wargalintaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ururada Siyaasadda Puntland isku raaceen in la hirgaliyo dhawr shuruudood inta aan la bilaabin diwaangalinta codbixiyaasha balse waxaa muuqata in talo soojeedintii ururadda aan dhag Jalaq loo siin.