Hogaamiye macaawisley & saraakiil ciidan oo Alshabaab dishay

01 Dec 2022 (Puntlandes) Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo ka socdo deegaan ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo kooxda Alshabaab ay sooqaaday weerarkan khasaaraha clus dhaliyay.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Alshabaab si aad ah u abaabulan ay weerar qaraxyo ku bilowday kusoo qaadeen fariisimo ay ciidamadda dowladda iyo kuwa macwuusleyda ay ku lahaayeen deegaanka Huurweyn oo qiyaas ahaan 25KM u jirta deegaanka Nuur-Dugle ee Gobalka Shabeelaha dhexe.

Warar soo baxaya waxey sheegayaan in khasaaraha culus uu ka dhashay dagaalkan, iyadoo dhinacyada dagaalamaya ay soo kala gaarayaan gurmadyo kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay illaa 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro lale intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dadka dagaalkan ku geeriyooday waxaa kamid ah Saraakiil iyo askar ka kala tirsan ciidamadda isbaheysnaaya oo ay kamid yihiin taliye C/llaahi Caraaye Cumar oo saraakiisha milatariga ee howlgalkan Hormuudma u ahaa kamid ah iyo Sheekh Qaasim Cali Gaab oo ahaa hogaamiyaha macaawisleyda degaanka Nuurdugle.

Diyaaradaha drones-ka ee Turkiga ayaa la soo sheegayaa iney kusoo biireen dagaalkan, iyagoo gantaalo la dhacay xubnaha Shabaabla ee weerarka soo qaaday, taasoo sababtay in maleeshiyadii kooxda ay dib u gurasho sameeyaa.

Si kastaba, deegaanka Nuur Dugle ayaa ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee lagala wareegay kooxda Alshabaab, waxaana maalmo kahor deegaankan booqasho ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

About The Author