Dhageyso: Dowladda Puntland ”Ma aqoonsanin Sahan Qiyaaseedka Muqdisho”

93a

27 May 2015 (Puntlandes)- Dowladda Puntland ayaa ka soo horjeesatay islamarkaana ku sheegtay inaysan aqoonsanayn sahanka Qiyaaseedka dadka Soomaaliyeed oo ay DFS soo bandhigtay shalay

.Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda Puntland Cali Axmed Faatax oo shir jiraa’id ku qabtay Caasimada Puntland ee Garowe ayaa ku tilmaamay mid lidi ku ah shacabka reer Puntland tirokoobka ay siidaysay dowladda federalku ee ah 12 million, isagoo sheegay inay shacabka Puntland intaas ka badan yihiin.

Wasiirku wuxuu cadeeyay inay horey ugu gudbiyeen wasaaradda qorshaynta ee DFS in natiijada ay soo wadaan aysan ahayn mid sax ah oo ka turjumaysa tirokoobka rasmiga ee  shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay ku jiraan qaladaad badan oo u baahan in la saxo.

Wasiir Cali Axmed Faatax ayaa soo bandhigtay tiro koobka dhabta ah ee shacabka reer Puntland isagoo ku sheegay 4, 284,633.

Dawlada uu Hogaaminyo Cabdiwali Maxamed Cali GAAS ayaa waxay caado ka dhigatay inay shacabkka Puntland ku qalado ”Qowda maashii oo wax ha u qaban” way ogaayeen in DFS soo saarayso Tirakoobkan BEENTA ah ee maxay uga hadli waayeen mar hore???

Dhagayso Wasiirka


Puntlandes.com
 

About The Author