Daawo Video: Madaxweynaha Puntland ma shalay buu waalaa misse maanta?

94

27 May 2015 (Puntlandes)- Shaley markuu Xilka la wareegayey madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali GAAS, marka laga soo tago wixii ummadda Soomaaliyeed iyo tan Reer Puntland oo dhami u jeedey wixii Mashruuc, iyo ciidan lagu wareejiyey mas uuliyadooda.

Wuxuu issaga laftirkiisu qiray in ay Puntland ka jirtey Dawladnimo Dhab ah oo taam ah, oo xoog leh. Isagoo waliba sii raacshey in uusan madaxweynihii kadegeyey uusan ka maarmin macluumaadka uu hayo oo uu rabey in uu la sii shaqeeyo.

Daawo Xilwareejintii Shalay

Waraysigiisii shalay ee TV:giisa (Puntland TV) wuxuu ka yiri.

In aysan jirin dawlad iyo ciidan midna oo aysan ka jirin Garoowe, Qardho, Boosaaso (WUXUU U MANO SHEEGTAY IN UU ISSAGU UNKAY ITAAS OO DHAN!!!!!!)

Waxaa kaaga sii daran in uu Gef weyn ku sameeyey bulshada nadiifka ah ee Puntland oo wuxuu yiri.

Waxaa yaaley isbaarooyin gabdhaha lagu kufsado. Bal iska daa in xukun lagu sii eegto´e waxaa looga baahan yahay in uu raali gelin bixiyo xukunkana iska wareejiyo Illeen MA, GAYEE.

Daawo Maanta waxa uu GAAS leeyahay

Puntlandes.com

About The Author