Sawirro-Muuqaal: Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

14 Dec 2022 (Puntlandes) Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo cusub oo tababar ugu socday magaalada Xudur ayuu ku dhiirageliyay dalka iyo dadka si daacad ah loogu shaqeeyo.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa Ku-simaha Madaxweynaha JFS warbixin ka siiyay xaalada ciidanka qaranka waxayna ballan qaadeen in ay dalka ka xorreyn doonaan kooxda Khawaariijta oo dalka iyo dadka u diiday inay horumar gaaraan shacabka Soomaaliyeed.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la hadlay ciidanka geesiyaasha qaranka ayaa ku ammaanay difaaca qaranimada, midnimada iyo jiritaanka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka go’antahay ciribtirka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab isla markaana u diyaar garoowaan xureeynta deeganada gobolka Bakool.

About The Author