Maxkamadda Racfaanka oo amartay in wariyeyaal la xiro !

2038a

27 May 2015 (Puntlandes)- Maxkamadda racfaanka gobolka Bari ma waxaysan aqoon shaqadooda misse madaxweyne Cabiwali Gaas bay u samaynayaan ayyidaad?

Waraysigii VOA:da ee uu siiyey madaxweyne  Cabdiwali Gaas wuxuu si ba,an ugu weeraray garsoorayaasha maxkamadaha Puntland oo uu ku tilmaamay kuwo aan aqoon u lahayn shaqadda ay hayaan oo uu mar dhawna shaqada laga eryi doono qaar badan oo kamida, qaar kalena uu hore u eryey.

Hadaba marka la eego sida loo qoray warqadaas lagusoo xirayo wariyeyaasha waxaa ka muuqata aqoon dari baahsan. Taas oo ka dhigaysa qofka soo saaray warxadda mid aan waligii maxkamad albaabka ka gelin.

sida qof walba uu ogyahay  Maxkamad Racfaan waxay ka shaqaysaa kiis ka soo gudbey Maxkamadda derejada koowaad. Hawsheeda oo dhamina waxay ku koobantahay in ay dib u eegto qaabka loo maray xukun dacwad Racfaan laga qaatay ama shakhsiga la xukumay ha qaato ama xeer ilaaliyuhu ha qaatee.

Waxaa kale oo warqadda ka muuqda seef-laboodnimada qofka qoray issagoo si toos ah u amraya taliska booliska ee saldhiga bartamaha Boosaaso. Kaas oo leh in aan xataa damiin lagu sii deyn karin eedaysaneyaasha.

Qofkaani ma wuxuusan aqoon shaqadiisa? Misse waxaa loo balanqaaday jago kale oo kasaraysa tan uu hadda hayo, oo waxaa lagu amray/ codsaday in uu si uu u muujiyo dhab ahaanta hadalkii madaxweynaha ee aqoondaridda garsoorayaasha maxaakimta Puntland uu u qoro warqadda?

Jawaabta su,aashaas adinkaan idiin deynayaa, balse aniga aragtidayda waxaan u arkaa in ay fari ku godantahay arrintaan.

Si kastba arrini ha ahaatee waxaa caddaan ah in mesha oo dhan waxa ka socdaa ay yihiin. AQOONDARI, TAYO XUMI, KU TAGRIFAL AWOODEED, KALA DANBAYN LA,AAN IYO IS DHEXYAAC BAAHSAN oo iminka soo galay maamulkii Puntland. Waxaa kaagasiidaran in lagu faano in meesha saas ahi ay barwaaqo tahay oo horumar baaxad leh la gaaray xag maamul, mid dhaqaale iyo mid amni!!!!!.

Maxamed Saliid Calisamey

Puntlandes.com

About The Author