Dowladda Hoose ee Garowe oo waxqabad la’aan, fadhiidhnimo lagu eedeeyey (Wargeyska Puntland Post)

28 May 2015 (Puntlandes)- Waxaa Qoraal Cinwaankiisu yahay “Dowladda Hoose ee Garowe oo waxqabad la’aan, fadhiidhnimo lagu eedeeyey (Wargeyska Puntland Post)” ka qoray Maqaal dheer oo ka hadlaya Dayaca iyo waxqabad la’aanta ka muuqda Caasimada Puntland ee Garowe taasoo ay Mas’uuliyadeeda qaadanayso Maamulka Degmada qaybihiisa kala duwan.

Waxaa nasiib daro ah in Shacabka dawladnimada jecel oo aysan Canshuurtu ku baaqan ee Garowe in ay Magaaladoodu ay ahaato ama u ekaato Sawirada ay Puntland Post ka soo qaaday. Waxaani maaha wax la qaadan karo waana in ay dawladu wax ka qabataa, sida dayaca haysta Magaalada GAALKACYO waxaa Mas’uuliyadeeda iska leh dawlada uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali GAAS.

Halkan hoose ka Akhriso maqaalka Puntland Post iyo Sawiradeeda

Dowladda Hoose ee Garowe oo waxqabad la’aan, fadhiidhnimo lagu eedeeyey (Wargeyska Puntland Post)

Weriye Puntland Post ka tirsan ayaa xoriyadiisii laga qaaday maalintii Arbacada isagoo ku guda jira baritaan ku saabsan sababta ay dawaladda hoose ee caasumada Puntland u shaqayn weydey ama u noqotay Fadhiid.

Waxaan shaki ku jirin in marka la maqlo Dawladda hoose ee Garoowe, in dad badan oo shacabka reer Garoowe ahi ka xanaaqayaan, ayna u yaqaanaan dowlad hoose oo shaqadii loo igmaday ka soo bixiweyday, shacabaka waxaa ugu filan sida layaabka leh ee canshuurta xad-dhaafka ah looga qaado, iyo sida aysan u muuqan wax canshuurtaas bedelkeedii loogu qabtay

Tuhunka ay dadka qaar qabaan

fffff

Shacabka reer garoowe ayaa aaminsan dawlada hoose ee garoowe iney tahay meel shakhsiyaad ku adeegtaan wixii ka soo baxana lakala jabsado, dadka ayaa ku andacoonaya waxaan bixinaa canshuur aad u badan welina ma arag wax shacabka loogu qabanayo taas ayaa keeni karta in tuhun badani na galo.

Waxqabad La’aan Baahsan.

ff

Dawlada hoose ee Garoowe oo mashruuc fulisay weli lama hayo, waxbarashada nagama caawiso, qashin nagama qaado, wadooyinkii waad aragtaan oo markii roob da’o waray noqdaan kuwo biyuhu fariistaan oo caafimaad xumo ku keeni kara bulshada, bal waxay qabtaan iska daaye waxay la wareegayaan iskarogooyin dadka ka dhameeyey dhagaxii iyo ciidii taaley xaafadaha, waxaan aaminsanahay in ay markaan alamtara soo dhaafeen oo marka dambe guri dhisan oo sharci ah fujisan doonaan hadan wax laga qaban musuqmaasuq nimada ka jirta Dawladda hoose ee Garoowe.

Wadooyinka Magaalada oo Liita.

ss

Marka aad marayso wadooyinka magaalada waxaad ku arkaysaa qashin aad u fara badan, Biyo biir noqday oo laga yaabo in cudur ka dhasho, mar aan wax ka weydiiyey takhaadiirta magaalada ayey ku jawaabeen “ Dadka naloo keeno oo u badan caruur waxay cudurada kasoo qadaan baliyada dacda ah ee magaalada wadooyinkooda heehaabaya” Waa layaabe aaway shacabka cashuurtii laga qaadayey taasi waxay cadaynaysaa in ay ku dhacdo jeebka Maxaan cunaa oo ku sugaya xafiiska wax walba oo soo dhaca, kama fekerayo dal iyo magaalo toona. Waxaa intaas dheer magaalada shacabkeeda oo ay handadaad aan kala go’lahayn ay ku hayaan, taas oo ay dhacdo in ay ugu hanjabaan shacabka qoryaha ay haystaan. Shacabka magaalada ayaan kalsooni haba yaraatee ku qabin madaxda dawladda hoose ee Garoowe .

Qashin iyo wasakh magaaladu la ildarantahay

ss

Magaalada Garoowe ayaa ah magaala madaxda Puntland taas oo looga baahnaa iney noqoto bilicdii Puntland ay ku faani lahayd, bilcakiskeeda waxay noqotay meel sanka laga qabsado marka aad magaalada dhexmaryso, waayo meelaha qaarkood waxaa is qabsaday qashin aan la qaadin iyo biyo dac ah oo madoobaadey, waxaa kugu adkaanaysa inaad jidka martid marka roob yari da’o, billo ayeey qaataan inta biyahaasu gurayaan taas oo jirta ayeysan dawlada hoose isu dhaqaajin oo aysan wax ka qaban, bilicdii magaalada ayaa sii dhumaysa, maadama aysan jirin dawlad hoose oo wax ka qabata arintan.

Bilicdii magaalada oo dhimatay

s

Garoowe ayaa noqotay meesha ay degan yihiin sadexda gole ee dawladda, waxaa loo qoondeeyey dakhli dheeri ah oo aysan lahayn magaalooyinka kale ee Puntland, lama oga dakhligaasu ilaa iyo iminka meesha uu ku baxo, waxayna shaqsiyaad badan oo Magaalada degani aaminsan yihiin iney ku dhacdo jeebabka Maxaan Cunaa iyo Xaaraan ku nool, magaalada ayaa la ciirciiraysa sandaqado jidka dhinaciisa laga dhisay oo sharci daro ah taas oo ay ku guul daraysteen dawladda hoose ee Garoowe iney ka dumiyaan dadka, waxaa kale oo taas ka sii daran kaalimaha shidaalka wadoonyinka dhiceeda laga dhisayo oo aad ugu soo batay magaalada, laga yaabo qaarkood iney isu jiraan in ka yar 50m taas oo khatarteeda leh, oo keeni karta iney magaalada dhami gubato halmar, balse dawladda hoose wey ka gaabsatay arintaa waana ku dhicisoobeen iney wax ka qabtaan oo sharci laga soo saaro.

Ciidan aan sharci ku shaqaynayn

ww

Dawladda Hoose ee Garoowe ayaa iyagu leh ciidan sharci daro ku shaqaysta, ciidanka ayaa waxay leeyihiin horjooge Cabdi-weli Yuusuf Indhaceel oo isagu si amar ah ugu siiyey arinta shacabka Garoowe ka caraysiisay, Arintan ayaa ah in dadka albaabada lagala baxo, waxaa dhacda marmarka qaarkood iyada oo guryaha looga tegey caruur loona sheegay iney guriga hoosta ka soo xirtaan, dawladda hoose ayaa guriga timaada kalana baxda albaabka, taas waxaa ka taliyey madaxda dowladda Hoose ee Garowe , Waxa ayna dhegaha ka fureysteen go’aankii ka soo baxay maxkamada oo loogu sheegay iney sharci daro tahay in albaab lagala baxo guryaha, waxaa kale oo jirta iney shacabka ku hayaan handadaad iyo dhib intaas ka badan. Cabdi weli iyo askarta uu horjoogaha u yahay waxaan shaki ku jirin in ay ka mid yihiin dadka dhibta ugu weyn ku haya shacabka reer Garoowe, waxaa intaas ka sii daran inuusan weli u sheeganayn wax uu magaaladaas u qabtay aan ka ahay in uu ugu hanjabo hala xiro mawaadimiinta ama halagala soo baxo albaabka.

Mar aan weydiiney Askarta Cabdiweli oo xiligaas ku sugnayd Maxmada waxa ku khasbay iney dadka albaabka kala baxaan uyuu maxkamada horteeda ka sheegay in ay ku amraan madaxdoodu in albaabka lagala soo baxo dadka, hadii laga waayo Canshuurta. Mar aan Cabdi weli waxka weydiiney ayuu ku jawaabey “Afaaraheena faraha kala baxa. Taas oo kuu cadaynaysa in uu askartan Sharcidarada shacabka ku haysa ee Cabdi weli ka amarqaataa uu isagu ku amray iney khasbaan shacabka kulana kacaan sharci daro cad. Cabdiweli Yuusuf Indhaceel ayaa ka wada magaalada Garoowe Amni darro ku khasbi karta in shacabka ka dagaalamaan sharcidarada uu wado Cabdiweli iyo ciidankiisu.

Maxkamadda Gobalka Nugaal

jj

Xeer ilaaliyaha maxkamadda Gobalka Nugaal Cabdi Jaamac Axmed ayaa mar ay Puntland Post weydiisey arinta albaabada lagala baxayo shacabka reer Garoowe ku tilmaamay sharci daro wuxuuna yiri “yaa idiin amray inaad albaaka dadka kala baxdaan waa askarta dawlada hoose oo maxmada markaas ku sugnayd, waxay ku jawaabeen madaxdeena, waa sharci daro ayuu ugu jawaabey inaad dadka kala baxdaan albaabadooda iyo hantidoodaba canshuur ayaad ku leedihiin hadii laydiin diido sharciga mariya qofka lakiin maalkiisa iyo hantidiisa ma taaban kartaan, waana reeban tahay ficilka noocaas oo kale ah ” Nasiib daro meesha xeer ilaaliyuhu ugu sheegay askarta Taliyohoodii Cabdi weli ma joogin, balse waxaan rajeynaynaa in ay gaarsiin doonaan.

Xildhibaanada golaha deegaanka oo go’aan ka soo saaray

Xildhibaan Mahad Maxamed Ciise oo ka tirsan gollaha deegaanka Garoowe ayaa Puntland Post u xaqiijiyey in ay golaha deegaanku ka shireen arinta albaab bixinta loona sheegay in ay arintaasu sharicidaro tahay, balse waa nasiib daro in weli shacabka lagu dhibayo, aana weli arinta aan la joojin, waxuuna sheegay in ay go’aan kasoo saareen guryaha albaabadaha ciidanku kala soo baxayaan.

Shacab dhibanyaal ah oo albaabkii lagala baxay

dd

Shacab badan oo xanaaqsan oo dhextaagnaa guriga dawladda hoose ee Garoowe oo aad ugu xanaaqsanaa ayaa Puntland Post u sheegay sidan, Aniga waxaa lay yiraahdaa Nabadoon Abshir Aw-jaamac (Abshir Toot) aniga oo jira todaatan iyo shan sanno ayey albaabkaygii soo furteen oo aan hada hortaaganahay Xafiiska Abdiweli Yusuf Indhaceel oo soo amray askartan na dhibtay waan xanuunsanahay gurigii oo caruurtii joogta ayey albaabka la baxeen waa masuuliyad darro waxanu waa arin shacabka lagu kicinayo waa iney dawladdu waxka qabataa arintan sharici darada ah, kaaga sii darane gurigey garanayaan kama qaadayaan, kii miskiin ahna hadal la’aan albaabkaa lagala baxayaa, Hooyo Caasho Ali iyo Cibaado Warsame oo xanaaq xoogleh ka muuqdo ayaa iyaguna sheegay iney wadada hortooda ah biyo dac ah fadhiyaan aysana dawladda hoose waxba ka qaban, lacagta aan bixino wax naloogu qabto ma jirto, jeeb midaan illaah ka baqayn ayey ku dhacdaa, waa xaaraan cuna yaal ayey tiri.

Tala guud oo Shacabka ku aadan.

Waxaa loo baahan yahay in shacabku u hogaansamo iney cashuurta bixiyaan iyada ayaana horumar lagu gaari karaa, balse waa iney ku bixiyaan xafiisyada dawladda hoose oo ay joojiyaan iney farta ka saaraan lacagta askarta mabtay ee qoryaha la wareegaysa ogow akhristow inaan xaq loo lahayn in albaabkaaga lala baxo ee ka hor istaag iney kugu khasbaan arin aan sharci ahayn, waxaan kale oo laamaha amniga ka codsanynaa in ay saxaan Sharciga uu Abdiweli ku samaystay gacantiisa kana qabtaan musuqmaasuqnimada uu ku hayo shacabka Reer Garoowe.

dd

Fadlan ka dhiibo rayigaaga iyo sida ugu fiican ee xal loogu heli karo magaalada Garoowe

mm

dd

dd

ss


Faallada Wargeyska Puntland Post

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author