Sawirro: Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada Kulan kula qaatay Guddoonka iyo Golaha sare ee Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland

24 Dec 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Madaxtooyada Kulan kula qaatay Guddoonka iyo Golaha sare ee Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland ee Puntland Diaspora Forum (PDF), oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Faarax Aw Cismaan.

Madaxweynaha ayaa Qurbojoogta uga warbixiyey Shaqooyinka Dalka ka socda, waxayna uga mahadceliyeen Madaxweynaha soo dhoweynta iyagoo aad u boggaadiyey hirgelinta Shaqooyinka Taariikhiga ah sida Dhismeyaasha Wadooyinka, Dhismaha Ciidanka iyo Hirgelinta Dimuqraadiyadda.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu qaabilay qeybaha kala duwan ee Bulshadii ka qeybgashay soo dhoweynta Qurbojoogta Puntland.

About The Author