Sawirro: Faahfaahin-war-murtiyeedka Shirka Golaha Daryeel Waamo ee Mombasa

24 Dec 2022 (Puntlandes) Shirka Golaha Daryeel Waamo oo magaalada Bombasa dalka Kenya lagu qabtay ayaa lasoo gabogabeeyey iyadoo laga soo saaray War-Murtiyeed laguna doortay maamulka 5ta sano ee socota.

Shirka waxaa soo qaban-qaabiyey maamulkii Golaha Daryeel Waamo oo uu Gudoomiye ka ahaa sadexdii sano ee ugu dambaysay Cumar Cabdisamad Yuusuf-Dhuux.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay 150 qof oo isaga yimid Aduunka dacaladeedaa, waxayna ka koobnaayeen qurba joog iyo dad gudaha Soomaliya ka yimid, Sida Kismayo, Muqdisho iyo Puntland.

Golahaan ataa waxaa ku midaysan Bulshada Beelaha Harti iyo Meheri Ismail ee Jubaland, wuxuuna ka shaqeeyaa Samafal iyo dib u heshiisiinta dadweynaha ku wadanool Gobolada Jubooyinka.

Shirka ayaa waxa Gudoomiyaha 5ta sano ee socota loogu doortay Cumar Cabdisamad Yuusuf-Dhuux, halka Gudoomiye ku xigeena loo doortay Ahmed Saacid (Dacar qoosh)

Waxaa sidoo kale shirka lagu Magacaabay 7 Gudi hoosaad oo xeerku tilmaamayey kuwaa oo kala ah:

1.Gudiga Nabadaynta & Xiriirka bulshada Jubaland.

1.Aden Ugaas Mohamud hussein boqow, gudoomiye

2.Gudiga Dhaqaalaha Daryeel waamo.

1.Mohamed Mohamud X Isse gudoomiye

3.Gudiga Hantidhowrka Golaha Daryeel Waamo.

1.Sulaiman Mohamed Mohamud( Sulaiman Garaar) gudoomiye

4. Gudiga anshaxa Golaha Daryeel Waamo.

Hoos ka akhriso war-murtoyeedka, sawirradana hoos ka daawo:

About The Author