Sawirro: Somaliland oo dad rayid ah ku dhaawacay magaalada Laascaanood

27 Dec 2022 (Puntlandes) Shacab mudaharaadayey ayey Ugu yaraan 4 qof yaa ku dileen 10 kalena oo ku dhaawacmeen ciidamada Somaliland, kadib markii ay rasaas ku fureen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ciidamada Milatariga iyo Booliska ayaana shacabka Laascaanood u adeegsaday Rasaas iyo Hub Culus oo kadib Markii Mudaharaadka ay Xakamayn Kari waayeen oo shacabku dareenkooda soo Bandhigay.

Dadweyne ka caraysan dilalka qorshaysan ee ka socda oo uu u dambeeyey mid xalay dhacay ayaa Laascaanood ciidamada Somaliland ku fureen rasaas si ay u kala cayriyaan.

Waxaase falkaas ka dhashay dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray dadka rayidka ah ee muddaharaadka samaynayay.

Dhaawacyada shacabka ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka magaalada Laascaanood si xaaladooda loola tacaalo.

Dhinaca kale ciidamada Somaliland ee ku sugan Taliska Gooja-cadde ayaa loo daabulay dhinaca Laascaanood si loo xakameeyo muddaharaadka ka socda magaalada.

About The Author