Xukuumadda Puntland oo ku eedaysay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland inuu jid-gooyo dhigtay deegaanka Karin-dhiig ee gobolka Nugaal

27 Dec 2022 (Puntlandes) Xukuumadda Puntland ayaa ku eedaysay wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal inuu jid-gooyo dhigtay deegaanka Karin-dhiig ee gobolka Nugaal.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa sheegay in Xasan Abgaal oo hoggaaminaya ciidamo maleeshiyaad ah uu goostay deegaanka Karin-dhiig ee gobolka Nugaal.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa oo la hadlay idaacadda Daljir ayaa yiri “Maleeshiyaad uu hoggaaminayo Xasan Shire Abgaal ayaa jid-gooyo dhigtay Karin-dhiig, isaga ayaana afkiisa iga yidhi, dagaal baan geleyaa, jid-gooyo waa wax layaqaan dowladdu tallaabo ayey qaadaysaa”

Eedeynta dowladdu waxa ay imanaysaa xilli dhawaan lagu wado in gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu laga qabto diwaangelinta doorasho ay diiddan yihiin ururrada qaar.

Hoostaan ka daawo

https://www.facebook.com/100004954356841/videos/831371437972349/

About The Author