Agabka loogu talagalay hirgelinta diiwaangelinta codbixiyaha doorashadda golayaasha deegaanka oo Ciidamo geeyeen Bosaso

28 Dec 2022 (Puntlandes) Ciidamo xoogan ayaa geeyey magaalada Bosaso agabkii loogu talagalay hirgelinta diiwaangelinta codbixiyaha doorashadda golayaasha deegaanka Puntland.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, TPEC, ayaa agabkan xalay kasoo raray magaalada Garowe, waxayna saaka si nabadgelyo ah kusoo gaareen Bosaso, waxaase galbinayey Ciidamo aad u faro badan oo ilaalilanyey.

Xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa horay u shaacisay in Diiwaangelinta codbixiyayasha ay ka bilaaban doonto 5 January 2022, gobolada Bari, Karkaar iyo Gardefuu.

Waxaa jira mucaaridid xoogan oo shacabka goboladaas uga soo horjeedaan qorshaha Deni oo la tuhunsan yahay inay ku hoos jirto mus´ddo kororsi.

About The Author