Dowlada Fadaraalka Somaliya oo ka hortimid hawlgallada Shidaalka lagaga baarayo Somaliland

28 Dec 2022 (Puntlandes) Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay uga hor timid hawlgallada ama shaqooyinka Shidaalka lagaga baarayo Somaliland.

Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si dhow ula socota howl-galka sharci darrada ah ee la doonayo in Shidaalka looga baaro Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee loo yaqaano Somaliland, taas oo ay fulineyso shirkad lagu magacaabo Genel Energy PLC oo sheegtay in ay fasax u heysato baarista iyo ka faa’ideysiga kheyraadka batroolka ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si cad u diidday sheegashada Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay sharci ay batroolka ama shidalka uga baarto gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, waxayna ugu baaqday shirkadda Genel Energy PLC inay joojiso sheegashada sharci darrada ah.

About The Author