(Sawirro) Gaalkacyo-War-saxafaadeed: doorashooyinka golayaasha degaanka Puntland waa laga leexiyey jidkii saxda ahaa

30 Dec 2022 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa waxa ku soo gabagoobay shirar maalmihii ugu danbeeyey u socday bulshada gobolka qaybeheeda kala duwan sida odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada, culimaaudiinka, haweenka iyo dhalinyarada.

Shirka ayaa waxaa looga arinsaday xaaladaha u danbeeyey ee amni iyo siyaasadeed ee gudaha Puntland iyo gaar ahaan doorashooyinka golayaasha degaanka iyadoo war-saxaafadeed ka soo baxay shararkaas lagu sheegay in jidkii saxda ahaa laga leexiyey sida ay sheegeen.

War-saaxafadeedka ayaa lagu yiri ”waxaa madaxweynuhu iska dhagatiray baaqyada ka imaanaya shacabka iyo saamilayda siyaasadda ee reer Puntland oo ay ugu dambaysay 13kii qodob ee ay Ururada siyaadda Puntland soo jeediyeen”

Sidoo kale waxaa xukuumadda looga digay inay dagaal ka abuurto Puntland waxaa lagu yiri “shirku wuxuu Cod dheer ku diidan yahay in awood ciidan lagu muquuniyo dadka ka soo horjeeda sida ay xukuumaddu u maamulayso hanaanka doorashooyinka Puntland”

Ugu danbayntii shirku wuxuu canbaareeyey xasuuqa aan loo meeldayin ee lagu hayo shacabka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka.

Hoos ka akhriso War-saaxafadeedka

About The Author