Sawirro: Gaalkacyo oo ay isu soo baxeen haweenka ka caraysan dhibka ay Somaliland ku hayso shacabka Laascaanood

31 Dec 2022 (Puntlandes) Haweenka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sameeyey isu soo bax ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin Dilka, Barakicinta iyo caburinta uu maanulka Somaliland ku hayo shacabka Laascaanood.

Haweenka suuqleyda ah ayaa banaan baxa hormuud u ahaa, waxayna xirteen Wadada bartamaha suuqa Gaalkacyo.

Qaar ka mid ah Banan baxayaasha oo warbaahinta la hadley ayaa cambaareeyey maamulka Soomaalilnd.

Sidoo kalena waxay Madaxda Puntland ku timaameen kuwo aan waxba ka ogeyn deegaanadii u dhaarteen.

About The Author