Daawo Video: Shacabka Reer Berbera oo ka xumaadey go’aanka xukuumadda Somaliland ku diiday qaxootiga Soomaalida

76f

30 May 2015 (Puntlandes)- Cuqaal iyo Waxgarad oo reer Berbera ah ayaa si weyn uga xumaadey dadka maatida ah ee dekadda Berbera lagu xanibey iyo guud ahaan joojinta qaxootiga Soomaalida ee ka soo cararaya dagaalada ka aloosan dalka Yemen. Waxay sheegeen in iyagaba dhibaato ay soo amrtey oo dalka Itoobiya ay u qaxeen, lana soo dhaweyey aysana ahayn in dad maati ah oo dhibaataysan sidaas loola dhaqmo oo loo diido in ay ka soo degaan Dekeda Berbera.

Cuqaasha iyo waxgaradka ayaa sheegay in haddii aan dhaqaale loo hayn oo hay’adihii ay gacmaha ka laabteen shacabku ay isku tashadaan ayna caawiyaan dadkan walaalahooda. Cuqaasha iyo waxgaradka ayaa waxay ka digeen Cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii dadkan la dhibaateeyo.

Daawo Cuqaasha iyo waxgaradka reer Berbera

Puntlandes.com

About The Author