Sawiro: Kooxda Qardho City oo caawa la Ciyaaraysa Kooxda Dar As Salaam Ciyaarta Semi Finalka Tartanka Kubadda Kolayga ee Bariga iyo bartamaha Afrika

30 May 2015 (Puntlandes)- Semi Finalka tartanka Kubada Kolayga ee Bariga iyo bartamaha Afrika  oo ay kooxda Qardo City u soo baxday ayey caawa marka ay saacada Tanzania tahay 19:00 la Ciyaaraysaa kooxda Dar As Salaam.

Haday caawa Qardho City ka guulaysato kooxda Dar As Salaam waxay u soo baxaysaa Finalka sidii sanadkii hore ay Kooxda Caasimada Garowe ugu soo baxday Finalka una gashay kaalinta labaad.

Qardho City ayaa ka badisay Kooxaha kala matalayay Jubba,Darsalaam iyo Tango oo ka socday wadamada Suudaan iyo Tansaaniya.

.Guddoomiyaha Kooxda Kubadda Kolayga ee Qardho City Cabdirashiid Xassan Xirsi ‘’Baki’’,ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Qardho ay matasho guud ahaan Soomaaliya,ka dib markii Kooxdii Muqdisho matalaysay ay ka hartay Tartanka.
76b

76c

76d

76e

Puntlandes.com
 

About The Author