Sawirro: Laascaano oo maalintii 5aad uu kacdoonku kasocdo iyo Qax ka bilowday

31 Dec 2022 (Puntlandes) Magaalada Laascaanood ee xrunta gobolka Sool oo maalintii 5aad uu kacdoonku looga horjeedo maamulka Somaliland ka socdo ayaa shacabka magaaladu waxay bilaabeen inay ka qaxaan Xaafadaha Magaaalad.

Gudaha magaalada ayaa waxaa ka socda dagaal u dhexeeya Shacab hubaysan iyo Ciidanka Soomaaliland oo dagaalamaya.

Somaliland ayaa waddooyin magaalada soo dhoobtay ciidamo, kuwaas oo ilaalinaya in dadwaynuhu isu soo bax sameeyaan.

Meelaha qaar waxaa la arkayaa ciidamo dad waddooyinka maraya xirxiraya, halka qaar kalana lagu khasbayo inay ka tagaan meelaha ay joogaan.

Waxaa xiran suuqyada iyo isu socodka magaalada maalintii 5-aad, banaanbaxayaasha ayaana weli dhigaya isu soo baxyada, walow ciidamada Somaliland ay rasaas ku jawaabayaan.

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo kala duwan ayaa laga dareemayaa guud ahaan gobolka Sool, gaar ahaan degmada Laascaanood.

About The Author