Sawirro: Shirkadaha Isgaadhsiinta Laascaanood oo hawada ka saaray khadka Internetka kadib markii Somaliland ku amartay

01 Jan 2023 (Puntlandes) Shirkadaha Isgaadhsiinta ee ka hawlgala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa hawada ka saaray khadka Internetka kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku amartay inay jaraan.

Maalintii lixaad ayaa waxa socda magaalada isu soo baxyo ay shacabka magaaladu ku muujinayaan dareenkooda taas oo keentay in Ciidamada Somaliland u adeegsadaan rasaas cul-culun.

Kacdoonka magaalada ka socda ayaa waxaa ku nafwaayey dad shacab ah oo kor u dhaafaya 10 halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 40.

wararka ka imaanaya magaalada ayaa sheegaya inay Somaliland soo gelisay Ciidamo kumaan kun ah kuwaas oo shacabka guryaha ku garaacaya.

Magaalada Laascaanood waxaa laga jaray:

– Adeeggii Internetka

– Adeeggii taleefanada

– Adeeggii Lacagaha danabaysan

– Adeeggii Korontada.

About The Author