Maamulka Gobalka Bari oo joojiyey kulamada Bulshada

03 Jan 2023 (Puntlandes) Maamulka Gobalka Bari ayaa soo saaray Warqad ay ku joojinayaan kulamada Bulshada oo aan iyaga ogolaansho looga haysan , xilli xukuumadda hadda Puntland ka jirta ku howlantahay hirgelinta nidaamka dimuqriyadda.

Maamulka Hotelada ayaa Waraaqda lagu faray inay ogolaansho soo waydiistaan 24 saac ka hor waqtiga munaasabadda la qabanayo.

Tani waa caburin uu maamulka Siciid Deni ku hayo shacabka Puntland, taas oo dastuurku u ogolaanayo inay kulmi karaan.

About The Author