Sawirro-Muuqaal: Ururka Dhalinyarada oo taageerayaashiisa kulan kulaqaatay Bosaso kuna dhawaaqay Isusoobax 5ta jan 2023

04 Jan 2023 (Puntlandes) Urur siyaasadeedka Dhalinyada ayaa xalay cududiisa kusoo bandhigay magaalada Bosaso, isagoo kulan kula qaatay qaar ka mid ah taageerayaashiisa, isagoo uga warbixinayey xaaladaha ku gadaaman Diiwaangelinta Codbixiyayaasha la yeeshay.

Ururka Dhalinyarada ayaa taageerayaashiisa ku wargeliyey in magaalada Bosaso la isugu soo baxo 5ta jan 2023 oo beri ah isu soo bax  lagu taageerayo shacabka Laascaanood.

Taageerayaasha Ururka ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin ”Doorasho loo dhan yahay (HAA), Doorasho boob ah oo Tekniko lagu wado (MAYA).

Ururka ayaa ka mid ah afartii Urur Siyaasadeed ee soo saaray in Xukuumadda Deni fuliso 13kii qodob ee ay Ururadu soo saareen 18kii december 2022, kuwaas oo madaxweynuhu diiday inuu kala hadlo ama fuliyo.

Ururadaas ayaa kala ah Dhalinyarada, Mideeye, Horseed iyo Shaqaalaha. Xukuumadda Deni ayaa doonaysa inay xoog ku fuliso diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ay shaacisay inay gobolada Bari, Karkaar iyo Gardefuu ka bilaabayso Khamiista daadambe ah oo ay bishu tahay 5ta.

About The Author