Bosaso oo Hotel Qarax lagu weeraray

04 Jan 2023 (Puntlandes) Hotel Jaabir oo kamid ah Hoteelada ku yaala Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa qayb kamid ah dhismihiisa waxaa lagu weearay Bam gacmeedyo xilli caawa ay ka socotay munaasibad ay goob joog u ahaayeen Wasiiro Puntland katirsan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay inkastoo jugta dhacday Magaalada laga maqlay waxaana wehliyey rasaas fara badan oo muddo kooban la iswaydaarsaday.

Lama yaqaan dableyda weerartay Hotelka, ilaa iminka dawladda Puntland aysan hadlin. Maalinta Berri ah oo ay bishu tahay 5ta ayey xukuumadda madaxweyne Siciid Deni waxay ku adkaysatay inay bilaabayso diiwaangelinta codbixiyayaasha, iyadoo ay ka horjeedaan 4 urur Siyaasadeed.

Puntlandes.com

About The Author