Booliska Puntland oo war ka soo saaray qarax ka dhacay Bosaso

04 Jan 2023 (Puntlandes) Taliska Booliska dowladda ayaa war ka soo saaray qarax fiidkii laga maqlay nagaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari, halkaan ka akhriso.

Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in koox sharwadayaal ah ay bomba-gacmeed ku tuureen nawaaxiga garoonka kubadda cagta Bosaso islamarkaan aanu wax khasaare ah geysan qaraxaas.

“Taliska Ciidanka Booliska Puntland waxay ku wargelinayaa shacabka Magaaladda Bosaso in abaare 8:20 PM fiidnimo caawa koox sharwadayaal ah ay Bambo-gacmeed ku tuureen agagaarka Garoonka Kubadda cagta ee magaaladda Bosaso kaas oo aan wax khasaare ah geysan” ayaa lagu yiri Qoraalka.

“Ciidanka Booliska ayaa goobta gaaray waxayna wadaan baaritaan arrintaa ku saabsan. Guud ahaan dadweynaha magaaladda Bosaso iyo Puntland waxaanu ku wargelinayaa in cid walba falal amniga lid ku ah geysta gacanta lagu soo dhigayo, sharcigana ha hor-geyn doono” ayuu sii raaciyay Qoraalka.

Puntlandes.com

About The Author