Faahfaahin Dagaal Xoogan oo ka dhacay Laascaanood

04 Jan 2023 (Puntlandes) Ciidamada maamulka Somaliland ayaa gebi laga saaray gudaha magaalada Laascaanood oo caawa dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamo xaq-u-dirir ah oo deegaanka u dhashay. Goobjoogayaal ku sugan Laascaanood iyo hogaamiyayaasha hawlgalka Somaliland lagaga sifaynayo gobolka Sool ayaa warbaahinta Daljir u sheegay in dhanka kastamka Cashuuraha ee Bariga magaalada ay isku aruursadeen ciidamadii Somaliland ee caawa lagaga awood roonaaday dagaalkii ka dhacay gudaha magaalada.

Dagaalka oo bilowday Abaare 9:00PM islamarkaana soconaya wax ka badan saacad iyo bar ayaa ka bilowday agagaarka Masjidka Cali Barre ee bartamaha magaalada Laascaanood halkaas oo fariisin u ahayd ciidamo dhowaan laga soo daabulay Hargeysa iyo Burco oo caawa si jeesjees ah u diley nin dhalinyaro ah oo suuqa si nabad ah u marayey.

“Waxaan ku sugnaa meel u dhow Masjidka Cali Barre oo aan deganahay. Waxaa isoo wacay nin kamid ah raga jebiyey Somaliland caawa wuxuu i dhahay waa duljoognaaye ka baxa, sidaas baan guriga uga baxay. Waxyar markaan ka socday way ku bilaabatay,” ayay tiri gabar kamid ah dadka meesha degan oo warbaahinta la hadashay.

About The Author