Sawirro: Madasha Siyaasiyiinta Puntland & 4 urur oo cambaareeyey diiwaangelinta hubaysan

04 Jan 2023 (Puntlandes) Madasha Siyaasiyiinta Puntland oo shalay looga dhawaaqay Garowe iyo afar Urur siyaasadeed ayaa cambaareeyey diiwaangelinta hubaysan ee ay xoogga ku fulinayso Xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni.

Madasha iyo 4ta urur ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay Puntland ka abuurayso dagaal, waxayna ku baaqeen in ay Xukuumaddu joojiso diwaangelintaas ciidamadana ay ka soo celiso Basoso.

 Ururada siyaasadda Puntland ee ay Madasha wada shireen ayaa kala ah Mideeye, Horseed, Dhalinayarada iyo Shaqaalaha.

About The Author