Xildhibaan Puntland oo sheegay inuu isaga casilay xubinimadii arintii Laascaanood

05 Jan 2023 (Puntlandes) Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in uu iska casilay xubinimadii golaha wakiilada.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu la dareen-yahay bulshadiisa magaalada Laascaanood, ka dib markii sida uu sheegay maamulka Puntland ay ku fashilmeen in ay qeyb ka noqdaan soo celinta dhulka gobalka Sool.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebookga ayuu ku sifeeyey in uu la dareen yahay bulshadiisa, isagoo horey uga mid ahaa dad u dhaawacmay iyagoo la dagaalamaya ciidanka Somaliland.

Faarax ayaa golaha baarlamaanka Puntland ku matalayay magaalada Laascaanood.

About The Author