Wararkii u dambeeyey ee Xaalada Magaalada Laascaanood

05 Jan 2023 (Puntlandes) Wararka aan ka helayno magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidan dadka deegaanka ah oo xalay qabsaday magaalada kana saaray Somaliland ay maamulayaan.

Ciidankaas ayaa isku balaariyey jidadka oo dhan iyo goobo ay 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay difaacyo kasameysteen ciidanka Somaliland ee magaalada laga saaray xalay.

Somaliland ciidankeeda ayaa xalay dagaal looga saaray magaalada, iyagoo kusugan daafaha magaalada, kulan ay xalay saqdii dhexe ku lahaayeen taliskooda Gooja-Cade lama yaqaano waxa kasoo baxay.

Sididoo Garaad Jaaamac Garaad Ismaaciil, oo badhtamaha suuqa Laascaanood dhexmaraya ayaa dadweynaha ugu baaqaya in ay dhagxaanta waddooyinka ka qaadaan, Ganacsigana furaan.

Dhinaca kale Shirkadaha Isgaarsiinta magaaalada Laascaanood ayaa fasaxay Isgaarsiinta Internetka oo 5 maalmood ka hor ay hawada ka saareen Ciidanka Soomaliland oo xoog ku galay xarumaha Isgaarsiinta.

Shacabka ayaa si buuxda u maamulaya Magaaalada laascaanood oo xalay dagaal looga saaray Ciidankii Soomaliland ee shacabka tacadiga u geystay waxayna hada ku sugan yihiin hareeraha magaaalada.

About The Author